\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

14-06-2012

Aqoonyahan reer Awdal Ah Oo Wacdaro Kamuujiyay Tartankii Cilmi Baadhista Sucuudiga+Sawiro:

Riyaad - Aqoon yahan reer Awdal ah ayaa wacdaro ka muujiyay tartankii cilmi baadhista heer qaran ee sannadkan lagu qabtay magaalada al-Khubar ee gobolka bariga Sucuudiga, islamarkaana ay ka qaybgaleen dhammaan jaamacadaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo dhammantood kor u dhaafay 40 jaamacadood.

 

Cumar Sheekh Yuusuf Axmad oo kaalinta saddexaad ka galay tartankaaasi ayaa waxa uu baadhitaan laga yaabay ka sameeyay magaca iyo naanaysta boqorka Sucuudiga, boqor Cabdalle ben C/Casiis , wuxuuna si qoto dheer u lafa guray macnayaasha iyo xikmadaha dahsoon ee ku hoos jira magaca boqor Cabdalle ben Cabdi Casiis iyo naanaystiisa " adeegaha labada xaram" marka laga eego dhinacyada luqadda iyo balaaqada.

muddadii 30ka daqiiqadood ahayd ee uu jeedinayay cilmi baadhistiisa, Cumar Sheekh Yuusuf waxa uu ka yaabiyay madaxdii shir cilmiyeedka guddoominaysay, garsoorayaashii tartanka, iyo guud ahaanba aqoonyahannadii ka soo qaybgalay munaasabaddaasi oo aad u ammaanay caqliga iyo indheer-garadnimada ku jirta aqoonyahan Cumar Sheekh Yuusuf oo ay sheegeen inuu abbaaray qodobbo muhiim ah oo ayna cidiba hoos u dayin abidkeed.

 

Cumar Sh. Yusuf waxa uu noqday aqooonyahanka kaliya ee aan Sucuudi ahayn ee ka mid noqday 10kii ugu sarreeyay tartanka, buuggii uu qorayna waxa haatan gacanta ku haysa wasaaradda waxbarashada sare ee dalkan Sucuudiga oo daabacaysa .

Cumar Sheekh Yuusuf waxa uu u mahadceliyay dhammaan aqoonyahha

nadii wax soo baray meel kasta oo ay joogaanba,wuxuna si gaar ah u xusay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo uu sheegay inuu taabbagelkiisii aqooneed kaaalin wayn ka soo qaatay.

sidoo kale waxa uu salaan iyo mahadcelin u diray boqor Cabdalle Ben C/caziiz iyo dhammaan madaxda waxbarashada Sucuudiga oo uu ugu sarreeyo wasiirka waxbarashada dalkani, Dr. Khaled al-Canqary oo guddoominayay shir cilmiyeedkaasi.

Cumar Sheekh Yuusuf waxa uu wax-kabartaa kulliyadda Luqadda carabiga ee jaamacadda Al-imam Maxamad Ben Sucuud ee ku taal magaaladan Riyaad oo uu kalidii kaga jiray dadkii ku guulaystay tartankan, wuxuna bilihii u danbeeyay gabagabeeyey barnaamijkiisii Master-ka, iyada oo la filayo in maalin dhaw la lafaguri doono buuggii uu ku soo afjaray darajada labaad ee academic-ga ah ee loo yaqaan M.A. da.

 

Zakariye Xuseen-quulle

Riyaad- Sucuudiga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hambalyo Meher

Dhamaan qoyska reerCANSHARARoo kala jooga Borama,Djibouti,Canada,Usa,Uk,Norway,Sweden,Malisia,Australia,Swezerland
waxan hanbalyiyo salaan u diraynaa Abdikarin Ali Nor [ CANSHARAR} iyo  Amal Osman  Xandule
oo meherkoodu ka dhacay maaliti axada 10.06.2012  Borama Awdal
waxaan mar labaad idin leenahay guurkiinu guur farax,gacal iyo sokeeyaba loo wada riyaaq,noqda labadii isku raagee ubad khar qaba rabi kala siiyo
Aamiin     Aaamiin     Aamiin     Aamiin     aamiin     Aamiin     Aamiin     Allahayoow:

 


Rashid Cansharar
Oslo Norway

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use