WelcomeTo QuljeedNet Awdal

 

 

Home  Contact Us   About US   

 

 

 

 

 

15-10-2011

Prof: Ahmed Ismail Samatar Oo Kuraas Faaruq Ah Muxaaadaro U Qabtay Bergen Norway

Professsorka caanka ee Soomaaliyeed ee macalinka ka ah jaamacad ku taala Mareykanka Ahmed Ismail Samatar ayaa waxow booqosho ku yimid Dalka Norway Gaar ahaan Caasimada labaad ee Bergen kadib markii uu casuumay shaqsi degan Magaaladan.
 
Qoroshaha professorka ayaa waxow ahaaa in uu maxaadaro u jeediyo ardeyda Norwejiga ee wax ka barata Jaamacada Bergen markaas kadibna uu u Qabto Muxaadaro u gaar ah Soomaalida degan Bergen lakiin sababa la xariiro maamul xumo ayaa waxaa dhacday in la waayay dad kasoo qeyb galo muxaadaradii uu ugu talagalay Soomaalida taas oo ay dad badan sabab uga dhigeen Shaqsiga casuumay Professsorka in uusan u casuumin si sax oo uu yahay shaqsi anan garaneyn Qiimihiisa oo awalba dana gaar lahaaa.

Dad badan oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bergen oo arintaan aan wax ka weydiinayay ayaaa waxey sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in ay sidaan wax u dhaceen waxeyna sheegeen Qaar badan oo ka tirsan dadkii aan wareestay in aysanba ka war qabin joogitaaan Prof: Ahmed Ismail Samatar.

Professor Samatar oo u bartay markow muxaadaro jeedinaayo in ay kasoo qeybgalaaan boqolaal dad ah ayaa waxey ku noqotay la yaab filin waaa markii uu imaaday hoolkii muxaadarada uu ku qabanaayay oo ay joogaan dad anan ka badneen 10 ruux asigoo sidaas ku bilaabay muxaadaradii ayaa waxaa dhacday in ay 10kii ruux qaarkooda isaga baxaan hoolka muxaadarada kadib markii uu muxaadarada ku sheegay Professorku in uu dhowr jeer tegay dalka muslimiinta intooda badan cadaawada u qabaan ee Israel taas oo qaar ka mid ah kasoo qeyb galayaashii la noqotay wax anan la dhegeysan karin maadama la ogahay sida Soomaalidu ay uga soo horjeedaan Israel.
 
Halkan Ka Akhri Warka Oo Dhan
Ismail Moallim
saxaaf@hotmail.com
Bergen-Norway


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                            

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use