\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

24-03-2012

Degaanka Dhegaxa Madow Oo Caan Ku Ah Macdanta Emeralka Oo Haraad Iyo Biya La'aan Looga Qaxayo Iyo Qayla Dhaanta Xoola Dhaqatada Degaankaa Kasoo Yeedhaysa

 Boorama ,March 21- Degaanka lagu magacaabo Dhagax Madow ,15km woqooyi ka xiga magaalada Boon  ayaa lagasoo sheegeyaa biyo la'aan khatar ku haysa dadka iyo duunyada degaankaasi kaddib markii ay gudheen ceelkii ugu dhawaa ee dadka iyo xoolaha degaanbkaasi ka cabbi jireen. Roob yaraan ka dhacday dhulkaasi sannadihii aan soo dhaafnay  oo sababtaya abaartan iyo biyo la'aanta degaankaasi ayaa keentay in laba maalmood ka hor uu maamulka degmada Boon markii ugu horreysay la gaadhay degaankaas gurmad biyood .

 

Maxamed Muuse Barkhadle oo ah kuxigeenka Maamulka gudoomiyaha degaanka ee Boon oo ka hadlay biyo la'aanta degaankaa ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii il gaar lagu eegi lahaa dadka iyo duunyada degaankaasi  loona baahanyahay gurmad degdega oo loo fidiyo dadka degaankaas degen i loo bad baadiyo.

Degaanka dhagaxa madow oo afartii sanadood ee u dambaysyba dadka dega iyo kuwo ka yimaada meelo kaleba ay ka qodan jireen macdanta la yidhaa Emeraldka isla markaana wasaaradda macdata iyo biyuhu  sannadihii aan soo dhaafnay laysanno  u siisay ganacsatada gobolka si ay uga ganacsadaan macdanta dhulkaa lagu sheegay iyada oo dawladuna sannad walba ka qaadda lacagaha liisankaasi ayay hadana dadka degaankaasi  haatan  biyo la'aan uga tegeyaan dhulkaasi  buuraleyda ah iyaga oo aan wax taakula ah ka helin xukumada dhexe iyo tan gobolkaba.

 

Dadkaas oo ahaa kuwo ku nool iibgeynta waxoogaa macdana  oo ay dhulkaa ka heli jireen iyaga oo u iibgaynjiray dalalka Jabuuti iyo meelo kale maadaama anay haysan qalab casri ah dhibaato badanina kasoo gaadho qoditaankaasi ayaa haatan umuuqda kuwo gabi ahaanba la ildaran biya la'aan iyo abaar aad u adag oo sobobi karta inay sii wadi kari wayaan ka xoog sigii ay ka xoog sanayeen beerahooga iyo macdantii ay ku noolayeen madaaba aanay xataa biyo jirin.

Sida warka degaankaa ka imanaya lagu sheegay dad iyo xoolo  badan oo isugu yimiday biyo yar oo halkaa loola gurmaday ayaa qaarkood la sheegeyaa in markii ay biyahaasi cabbeen ay halkaa ku suuxeen maadaama jidhkooda ay biyuhu ka dhammaadeen.

 

Odayaal ka tirsan degaankaasi oo la hadlay weriye halkaa tegey ayaa u sheegay in xaaladda abaareed iyo biyo yaraantu keentay in dadkii degaankaasi magaalooyinka galaan xoolo yar oo usoo hadhayna ay degaanno kale ula qaxeen sidaa darteedna loo baahanyahay in xukuumadda iyo hay'adaha samafalka iyo qurbajoogga kasoo jeeda degaankaasiba ay u hawlgalaan sidii dadka degaankaasi biyo loo gaadhsiin lahaa ama ceelal loogu qodi lahaa.

 

Odayaashan oo kala ahaa  Aye Daahir, Xuseen Xasan, Ibraahim Kaahim, iyo saddex kale  ayaa sidoo kale sheegay in hadii biyo la'aantaasi sii socoto ilaa bishan dhammaadkeeda xaaladda wixii dhulkaa ku hadhay ee dad ama duunyo ahi la kulmi doonaan khatar galaafata noloshooda iyagoo dhinaca kale maamulka gobolka u hoos yimaaddo degaankaasi usoo jeediyay inay gurmad la soo gadhaan.

 

Waa markii ugu horreysay ee degaankan  lagasoo sheego biyo la'aan halis gelin karta dadka iyo duunyada halkaa ku dhaqanba.

 

Degaankan dhagaxa madow ayaaa sannadihii aan soo dhaafnay waxa kusii quqlquqlayey shirkado maxalli ah iyo kuwa  aan wadaniba ahayn  kuwaasoo meelo kala duwan ka degey buurahaasi isla markaana dadkii degaankaa ee  ku hawlanaa macdan qodashada ay isku qabteen meelo ka mid ah kaddibna iska hor imaad hubaysani dhex maray iyadoo maleeshiyo beeleed degaankaasi ahna dhawr jeer loo diray xabsiga Boorama .

 

Goobtan dhagaxa madow ayaa sidoo kale sannadihii 2007 ilaa 2009 waxa hawl shaqo u yimi haweenay la yidhaa Judith  kana mid ah masuulyiinta sarsare ee shirkadaha macdanta South Afrika wakhtigaasoo ay dadka degaankaasi u raacday buurahaasi kuna wargelisay inay meeshaasi leedahay mustaqbal fiican haddii loo helo awood dhaqaale iyo qalab .

 

Waxanay dadka degaankaasi u sheegeen dadkii halkaa ugu tagay dhawaan intay abaarta iyo biyala'aantu goobahaas ku dhaceen in ay jecelyihiin in dadka kasoo jeeda degaankaa iyo guud ahaan dadka reer Awdal/Sala iyo dawlada Somaliland iyo shacbigeeduba ay usoo gurmadaan kana caawiyaan haraadka iyo abaaraha ay la ildaran yihiin madaaba aanay  Ilahay maahee aan cid kale u maqni jirin

 

Boorama

 

Quljeednet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use