\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

30-08-2012

Bayaanada Shirwynaha Wada Tashiga Tolka Ka Soo Baxay Augusdt 29-08-2012

· In wixii khilaafaad jira noocuu doonaba ha ahaadee sida ugu dhaqso badan loo waajoho, loona xaliyo, si tolku hore uga socdo, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud ee tolka.

·In madax dhaqameedyada tolku midoobaan, talada tolka ee guudna meel isugu keenaan. Hawshaana ergooyinka shirku waxay isku raaceen in iyaga laga sugo, wixii wadatashi madax dhaqmeedyadu uga baahanyihiin bulshada inteeda kalena diyaar loola noqdo.

·In la dhiso gole lataliyayaal ah oo ka socda gudo iyo dibadba, kana kooban aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah inteeda kale.

Golahaasina in uu:

a) Furo xarun lagu sameeyo daraasad joogta ah oo lagu ogaado hadba beylahda jirta

b) Isku xidho qeybaha kala duwan ee TOLka iyo deggaanadiisa.

c) Golahaas oo awoodisu tahay mid lataliye ah (advisory council)

d) Golahaasina wa inuu ahaadaa mid ku kooban talooyinka guud ee Tolka.

e) In golaahasi ka koobnaado 20-59 xubnood oo ka kala yimaada deggaanada TOLka oo idil.

f) In xubnaha golahaas lagu soo xulo kartidooda iyo aqoontooda oo aan lagu xulin beelo.

· In wixii tabasho ah ee TOLku leeyahay nooc kastaba ha ahaadee ay xaq u leeyihiin in si aan gabasho laheyn loogala xisaabtamo cidka kasta oo ay khuseyso.

· In tolku sii xoojiyo nabadgelyada, degenaanshaha iyo ehelnimada iyaga dhexdooda ah iyo tan ka dhexeysa iyaga iyo beelaha kale ee ay dal, duunyo iyo danba wadaagan.

· In la xidhiidhiyo, mudnaanna la kala siiyo mashaariicda tolka ee dhinaca horumarka (coordination and prioritization of tol development projects). In la dhiso guddi fulineed ku ·meelgaadh ah oo ka kooban ilaa 12 xubnood oo dabagala bayaanada shirka iyo hirgalintooda muddo ku siman hal sano.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use