\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

30-08-2012

Boota Haddaan Halkeeda Lagu Dhayin Ma Bogsato, Dusha Hadii Laga Taabtaba Caabuq Bay Keentaa

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa taladaan la ruugin waa lagu-rafaadaa”

Maxay kordhiyaan qudbado iyo weedho qurux badan oo web-site lagu soo xardhaa?

“ Ninkaan Run Kuu Sheegin, Run kuuguma Ooyo”

Run ahaantii waxa la odhan karaa Gobolada Awdal/Salal waxa ka socda Horumar ballaadhan oo la taaban karo kaasi oo bulshadu meel uga soo wada jeedo, dawladuna wax weyn ku darsatay, LAAKIIN faa’iidada iyo Horumarku intaas wuu ka ballaadhan lahaa HADDII la suulin lahaa ama meesha laga saari lahaa khilaafka ku jira beelaha dhexdooda, kuwaasi oo u baahan wax-garad, aqoon-yahan, culimo, caaqilo, suldaano, siyaasiyiin iyo dhalin-yaro in dhinac looga soo wada jeesto, WAAYO “ DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MAAHAANE”

 

Tusaale ahaan haddii aan soo qaadano waxa beryahan dambe isa-soo tarayay in horumarkaasi lagu tar-tamayo, oo waxa dhawaan shirku qabtay magaalada Boorame uruka ARDAA oo ku hawlan dhismaha dekeda halbowlaha ah ee Lughaya, laakiin sidii aan jeclaa uma dhicin shirkii oo waxan u sababaynayaa khilaafkaasi inuu meesha wali sii yaalo.

 

Ururka TOL ee shirka dhawaan ku qabtay magaalada Boorame waan bogaadinayaa, waxase ka muuqday oo kala shiki ku yimi habsami u socodka hawlaha shirka ka dib markii rag soo jeediyeen in khilaafkii hore lagu soo qaado, ragga shirka mas’uulka ka ahaana ay diideen.

 

Walaalayaal haddaan runta la isku sheegin oo aan laga wada hadlin wax kasta oo lagu xalin karo walaaltinimda, iskaashiga, wax-wada qabsiga iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah, wax hagaagamayaa iyo shir lagu heshiinayaa ma jirayo, waana in runta la isku sheegaa oo aan la kala baqan, khilaafkiihorena sidii meesha looga saari lahaa laga wada hadlaa, oo loo guntada sidii dadka walaalaha ah meel la iskugu keeni lahaa, laakiin macno samayn mayso shir la iskugu yimaado, iyo hadalo macmacaan iyo shahaadooyin bilaa macno ah oo la iskugu hambalyeeyaa, waax macna leh halala yimaado.

 

Waxanse u soo jeedinayaa TOL iyo cid kasta oo safar dheer u soo marta inay arrimaha GADABUURSI ka arrimiso oo kharash badan ku bixiso laakiin “ Aan daacad ka ahayn, run sheegaynin, dano gaar wata” inaanay waxba soo kordhinaynin noqona doonaan “HAL BACAAD LAGU LISAY” WAAYO qudbado iyo weedho qurux badan iyo sawiro web-siteyada lagu soo bandhigaa macno samayn mayso “ Haddaan Boogta Barteeda lagu Dhayin”.

 

Guntii iyo gabagabadii waxan soo jeedinayaa inaan dhan uga soo wada jeesano dannaheena shirarka beeshu qabsanaysana waa in lagu qabtaa XEEBAHA, SAYLAC, LUGHAYA, GEERISA, FARDAHA, GARBADADAR, CALI-XAYDH IWM.” WABILAAHI TAWFIIIQ- EEBE XAQA HA INA GARANSIIYO.

Eng Maxamed Sh Daahir Qaalib Hargeysa, Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use