Urur Siyaasadedka Wadani ayaa Maanta Soo Bandhigay Murashaxii ugu Taageerayaasha iyo Cududa weyna Murashaxiinta Ururada, ee u diyaargaroobaya tartanka Doorashada Golaha Deegaanka ee la filayo inay Dhawaan ka qabsoonto Dalka Somaliland.
Munaasibada Maanta iyo Soo bandhigida Murashaxan Da’da yar Maxamuud Amiir Warsame Jamac ayaa ahayd Mid aan qaybaha Bulshada Magaalada Ceergaabo aanay u kala maqnayn isla markaana Kulmisay Siyaasiyiinta Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka Wadani, Masuuliyiinta Wadani ee Gobolka Sanaag, Madax dhaqameed, Xildhibaano, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Taageerayaal Tiro badan oo u gooniya Murashaxa Da’da Yar ee Maxamuud Amiir Warsame Jamac.

Waxaa ugu Horeyn Munaasibadaasi ka hadlay Chief Caaqil Mohamed Abdi Soofe oo ah Chief Caaqilka Guud ee Beesha Murashaxu kazoo Jeedo, Waxaana Chiefku halkaasi ka Cadeeyey in Beeshiisu Hiil iyo Hooba la barbar taagan yihiin Murashaxan Da’da Yar.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaano iyo waxgarad ka tirsan Beesha Murashaxa oo iyana halkaasi ka cadeeyey inay Hiil iyo Hooba la barbar taagan yihiin Murashaxa.
Taasi kadib waxaa iyana Munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Urur Siyaasadeedka Wadani, Maxamed JaamacDaaday, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Gobolka Sanaag ee Ururka wadani Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku magac Dheer Sumuliiyo Gudoomisada Garadbka Haweenka Marwo Seynab Jamac Maxamed waxayna Dhamaantoodba halkaasi ka Cadeeyeen sida Urur Siyaasadedka Wadanai uu soo dhaweynayo Murashaxan oo ku suntan bay yiraahdeen Murashaxa ugu Taageerada Badan Gobolka.

Intaasi kadib waxaa isaguna Munaasibadaasi ka hadlay kana Cadeeyey Mawqifkiisa Siyaasadeed Murashaxa Da’da Yar Maxamud Warsame Jamac oo taageerasha uga mahadnaqay taageerada ay la garab taagan yihiin .

Hadalka Murashaxa kadib waxaa Munaasibadaasi soo Gebagabeeyey Siyaaasiga Ruug Cadaaga ah Muadane C/laahi Ahmed Daamur oo kamid ah Masuuliyiinta Sar Sare ee Urur Siyaasadeedka Wadani kuna Caan Baxay saaxiibka Dhaw ee Gudoomiye Ciro Sida gaarka mudada Dheer ay isku siyaasada yihiin Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro.
Mohamed Yuusuf Bakayle
Quljeednet.com Ceergaabo/Somaliland