|

Home Contact Us About US
19-07-2012
Ururka waddani oo xaflad la isku arkay ku soo bandhigay musharax uga qayg galaya doorasha golaha degaanka ee caasimada Hargeysa
Urursiyaasadeedka Wadaani ayaa soo bandhigay musharax uga qayb gali doona doorashada golaha degaanka Hargeysa. Manasibada lagu soo qabatay musharax Axmed Macamed AW Cali oo ka dhacday Hotel Xara fee Hargeysa ayaa wax aka soo qayb galay guddoomiyaha Ururka Waddani ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) masuuliyiin ka tirsan uruka wadani,madax dhaqmeed, haween iyo dhalinyaro.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha ku meel gaadhka gobolka Maroodi jeex ee ururka Waddani Saalax Maxamuud (Shiine) waxanu sheegay inay soo dhaweynayo musharaxan u tartamaya doorashada “ ururka waddani waa urukii ugu xooga badnaa eek a hawl gala is badalka ka dhacay dalka, masuuliyiinta halkaa ka muuqdaana waa kuwii ugu sareeyay”
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Xasan Diiriye Nuux, Maxamuud Axmed Kaahin, Suldaan Ibraahim Suldaan Sheekh, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, Caasha Xuseen Maraykan, Jamaal Jaamac Xaamud, Xasan Xuseen Codyare, Cabdilaahi Siciid Dheere,
Oo dhamaan tood soo dhaweeyay musharax uga qayb gali doona Urur siyaasadeedka Waddani doorashada golaha degaanka Caasmida Hargeysa Axmed Maxamed Aw Cali.

Waxa kale oo isna ka hadllay Cabdilaahi Siciid Dheere oo ka mida gudida fulinta ee ururka siyaasadeedka Waddani “ waxanu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay musharaxa Axmed iyo taageerayashiisuba u doortay inuu iska soo dharaxo Ururka Waddani waxanu yidhi “Axmed isga iyo taageerayaashiisuba iyaga ayaa doortay Ururka Wadani inuu iska sharaxo, dawlada hoose waa salaanka lagu fuulo siyaasada, qofkuna halkaas ayaa uu ku fashilmaa oo halkaa ma dhaafo ama waa uu dhafaa waxa uu noqdaa hoggaamiye qaran Axmedna waxanu u rajaynaynaa inuu sare u kaco oo hoggaamiye qaran noqdo”
Waxa isna hadalo mahad naq iyo bogaadin ka soo jeediyay musharaxa Axmed Maxamed Aw Cali oo u mahad naqay taageerayaasha iyo hoggaanka sare ee ururka waddani “marka Illahay ayaa mahad leh marka xigta waad ku mahadsantihiin taageerda aniga iyo uruka Waddani noo moojiseen, dhalalilo badan ayaa Hargeysa laga sheegay waxaan idiinka ballan qaadayaa haddii aad codka isiisaan inaanu wax badan ka badali doono haddii Alle yidhaahdo, nimankii hore ee meesha fadhiyay iyaguna waya mahadsan yihiin waayo lama odhan karo waxba may qaban oo wax badan way qabteen laakiin wax badan ayaa dhiman waxaas dhimana aadbaan wax uga qaban doonaa haddii ay dhaco inaan foodka ku guulaysan waayo anigu waxan ahay asaasayaashii Ururka Waddaani shaqadaydana halkaas ayaan ka sii wadayaa”

Ugu dambaynta waxa soo xidhay munaasibada guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna guddoomiyaha golaha Wakiilda Cabdi Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro) waxanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka soo qayb galo munaasibadan loo qabtay musharaxa, waxa kale oo uu sheegay inau soo dhaweynayaan cid kasta ooh an siyaasadeed ku jirto inay iska soo sharaxi karaan ururka wadani, waxanu si gaara u sheegay inay soo dhaweynayaan haweenka waxanu yidhi “waxa farxad weyn ii ah aniga, hoggaamiyayaasha iyo taageerayaasha ururka Waddani inaanu kala soo qayb galno munaasibada musharaxa Axmed Maxamed Aw Cali (Axmed Naasir) waxaan rajaynaya oo kuna kalsoonahay markaan eego shucuurta dadka iyo dareenka dadka iyo Axmed oo ah nin reer Hargeysa inaanu shaki igaga jirin inuu Axmed ka mid noqon doona xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa.
Caasimad wanaagsan ayaa ayno doonaynaa cintiraafkina uu soo dhaw yahay raggii xashiishka guri lahaa ayaynu u baahanay, raggii caasimada bilicdeeda badali lahaa ayaanu u baahanay, waxan idiin sheegaynaa inuu ururku dhiirigalinayo musharixiinta haweenka reer Somaliland waxanu jecelanay inaanu 23 degmo ka soo sharaxno haween, waxaynu dhisaynaa qaran midaysan oo wada walaalo ah oo gacmaha is haysta waxaynu doonaynaa inuu dhisno umad ka wada shaqeysa nabad galyada waayo bani’aadmku laba waxbuu u baahan yahay midi waa nabad waana inaanu Illahay ugu mahad naqo nabad aynu haysano midna waa horumar oo wali wuu inga dhiman yahay laakiin inaynu gaadhno ayaynu u saciyeynaa hadafka ururkana waa inuu wadanka gaadhsiiyaa horumar iyo cintiraaf, waxaanu u mahad naqaynaa salaadiinta iyo cuqaasha iyo marti sharafta kale ee dhamaantood ka soo qayb galay munaasibada”
|